top of page

​LA SOCO OLOLAHAAGA WARBAAHINTA BULSHADA

  • Facebook
  • Twitter
  • Instagram
Subscribe
IMG_3822.jpg
Cabbirka Fasalka

Shaqaalaysiinta macalimiin badan iyo yaraynta tirada fasaladu waxay lama huraan u tahay siinta ardaydeena waxbarasho tayo sare leh oo ay mudan yihiin.

Arday kastaa wuxuu u qalmaa fiiro gaar ah. Fasalada yaryar waxay u horseedi doonaan horumar tacliinta iyo guusha ardayga

Transportation

Xaqiijinta gaadiid la isku halayn karo oo hufan ayaa lama huraan u ah guusha ardaydeena. Nidaamkeena hadda waa mid aan ku filneyn, iyadoo wadayaasha basaska ay keentay dib u dhac dheer iyo arday xayiran.

 

Waxaa iga go'an inaan horumariyo awoodda gaadiidka degmada. Soo jiidashada iyo haynta wadayaasha baska tayada leh ayaa muhiim u ah siinta ardaydeena gaadiid badbaado leh oo la isku halayn karo

Dhismayaasha

Arday kastaa wuxuu u qalmaa inuu wax ku barto dhismo casri ah oo ammaan ah. Dhismayaasheena hadda ma aha oo kaliya khatar caafimaad iyo halis laakiin sidoo kale waxay hor istaagaan waxbarashada.

 

Waxaa iga go'an in aan mudnaanta siiyo dayactirka iyo hagaajinta dhismaha. Hagaajinta xaaladaha dhismaha waxay u abuuri doontaa jawi badbaado uleh arday kasta

Adeegyada Taageerada

Waxaa iga go'an inaan horumariyo taageerada ay heli karaan ardaydeena iyo macalimiinteena. Waxaan tan ku samayn karnaa annagoo ku darayna faragelin badan oo hab-dhaqanka ah, caawiyayaasha waxbaridda, iyo la-taliyayaasha dugsiyadeena. Waxaan mudnaanta siin doonaa maalgelinta xubnahan muhiimka ah ee shaqaalaheena taageerada

bottom of page