top of page
Brandon Simmons Headshot, wearing a suit
Wax soo saarka Dugsiyada Columbus

Waxaan ahay qof degan Hilltop halkaas oo aan kula soo koray awoowayaashay. Markii hore, waxaan ku dhibtooday hadalka. 10 sano ayeey igu qaatay daawaynta hadalka. Ma fududayn, laakiin weligay ma quusan. Aniga oo kaashanaya qoyskayga, waxaan sameeyay horumar la taaban karo.

 

Qiyamka Xisbiga Dimuqraadiga ayaa mudnaanta siiya waxbarashada iyo fursadaha loo siman yahay ee dhammaan. Qiimahaas ayaa abuuray jawi aan ku kobci karo.

 

Kamaan quusan riyadeyda ah in aan iskuulada dawliga ah u wanaajiyo qof walba waana ogahay in aadan adiguna aadna ka quusan. Si wada jir ah, waxaan ku samayn karnaa isbedel wanaagsan bulshadeena

Sheekadayda

Hi, I'm Brandon

Brandon Simmons CAHS

Waan ogahay sida ay tahay in aan ku jiro fasalka Columbus City. Waxaan ahay mid sharaf leh oo ka qalin jabiyay Dugsiga Sare ee Columbus Alternative.

 

Waxaan fadhiyey dhismayaal burbursan aniga oo arday ah sannado badan. Waxaan daawaday macalimiinteenna oo si xad dhaaf ah u shaqeynaya oo aan la taageerin. Sannad kasta, waxaan arkaa degmadeena oo aad iyo aad u culus laanaysa, oo ka qaadaysa doolarka muhiimka ah fasaladayada

Halgamaha Dugsiyada Columbus

Dugsigii sare, waxaan hogaaminayay isbahaysi arday, waalidiin, iyo macalimiin ah oo ku qasabtay Guddiga Waxbarashada inay wax ka qabtaan dhismayaasha dudunsan.


 

Kahor intaanan tallaabo qaadin, waxay ahayd mid aad u xun. Dhismahayagu waa uu dumaye. Ardaydu waxay iska ilaalinayeen saqafyada sare ee soo dhacaye, musqulaha oo aad u darnaa, iyo fasalada oo aan lahayn kuleyliye xilliga jiilaalka iyo qaboojiyaha waqtiga xagaaga.

 

Waxaan si wada jir ah u xaqiijinay $4.5 milyan oo lagu horumarinayo dhismaha waxaana la abuuray guddi cusub oo ardaygu hogaamiyo si ay shaqada u sii wadaan

​LA SOCO OLOLAHAAGA WARBAAHINTA BULSHADA

  • Facebook
  • Twitter
  • Instagram
Subscribe
bottom of page